Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo ay wehliso Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Faadumo Cabdi Cali, ayaa maanta shir guddoomiyey Kalfadhiga 5-aad kulankiisa 3-aad ee Baarlamaanka Galmudug
Kulanka maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha Kaas oo kala ahaay
1. Qorshaha Dib-u eegista Dastuurka Galmudug.
2. Bandhiga & Akhrinta 1aad ee Hindishe Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxabannan ee Doorashada Galmudug.
3. Bandhiga Warbixinta Degmeynta Labada Degmo Ee BAXDO Iyo Wasil.
4. Warbixinta Hantidhawrka Galmudug
Ugu horeyn Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka dooday wax kabadalka Dastuurka Galmudug oo si kumeel gaar ah loo sameeyay Sanadii 2015, waxaana dood kadib loo xil saaray in ay kasoo shaqeeyaan Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Galmudug.
Kulankii Golaha Baarlamaanka ee maanta ayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-hishiisiinta Galmudug Baarlamaanka horkeenay Hindishe Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxabannan ee Doorashada Galmudug iyo Warbixinta Degmeynta labada Degaan Ee Baxdo Iyo Wasil, Wasiirka ayaa kahadlay Muhiimada Galmudug uu leeyahay Hindishe Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxabannan ee Doorashada Galmudug.
Sidoo kale Waxaa maanta horyimad Baarlamaanka Hantidhowrka guud ee Galmudug isaga oo warbixin siiyay Golaha Baarlamaank una soo gudbiyay Xisaab xirka Dowlada Galmudug 2020-2021.
Ugu dambeyntii Waxaa Xildhibaan loo dhaariyay Mukhtaar Cali Cumaan Waxaana uu badalayaa Xildhibaan hore Cabdishakuur Abuukar Maxamed oo si caadi ah ubaneeyay kursiga xildhibaanimo.