Dr. Axmed Cali Daahir oo loo magacaabay Safiirka JFS u fadhi doona dalka Hindiya ayaa maanta laga guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo, waxaana looga guddoomay munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada dalka Hindiya.
Intaas kadib Danjire Axmed Cali Daahir ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Hindiya Marwo Droupadi Murmu, safiirka cusub kulankaas waxaa ku wehliyey diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, wuxuuna
Danjire Axmed Cali Daahir Madaxweynaha Hindiya u gudbiyey dhambaal ay dowladda Soomaaliya u dirtay dowladda Hindiya.
Ad