Home Wararka Caalamka Imaamkii Masjidka Xaramka oo lagu riday Xukun Adag

Imaamkii Masjidka Xaramka oo lagu riday Xukun Adag

0

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukumay Imaamkii hore ee Masjidka Xaramka Sheekh Saalax Al-Talib, sida ay sheegtay koox u doodda xuquuqda aadanaha.

Maxkamadda Racfaanka ayaa diiday go’aan ay horey u gaartay Maxkamadda Dambiyada Gaarka ah, taasi oo wax dambi ah ku waysay Sheekh Saalax, waxayna taa beddelkeeda siisay xukun xabsi ah, sida ay sheegtay kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Prisoners of Conscience.

Sheekh Saalax ayaa waxaa la xiray bishii August 2018. Wax sharaxaad oo rasmi ah lagama bixin xabsiga Sheekh oo 48 jir ah.

Hase yeeshee kooxaha u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xarigiisu yimid kadib markii uu jeediyey khudbad uu ku sheegay in Muslimiinta uu waajib ka saaran yahay inay ka hadlaan xumaanta ka dhex jirta bulshada.

Sacuudi Carabiya ayaa waxay caan ku tahay inay si joogto ah u xirto dadka u dhaqaaqa bulshada, suxufiyiinta iyo culimada ayada oo sabab cad aan la sheegin.

Tobaneeyo wadaad ayaa la xiray tan iyo 2017, oo ay ku jiraan qaar ku baaqay dib u heshiisiin laga dhex sameeyo dalalka Khaliijka, kadib markii Sacuudiga ay go’doomiyeen Qatar.

In badan oo ka mid ah culimadaas ayaa weli xabsi ku jira, inkasta oo xiriirka Qatar iyo Sacuudiga uu soo wanaagsanaaday.

Toddobaadkii tegay, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa 34 sano oo xabsi ah ku xukumay gabar diyaarineysay shahaadada PhD oo lagu magacaabo Salma Al-Shehab sababo la xiriira inay twitter soo dhigtay qoraal ka dhan ah dowladda, taasi oo dhalisay caro caalami ah.

 

 

 

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh oo ku wajahan Puntland
Next articleDabageed oo si xun u weeraray Wasiiro ka Tirsan ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya