Home Wararka Maanta Dhageyso: Senator Dhegdheer oo Madaxweyne Farmaajo u sheegay in Dadka Yaqaaniin Qori...

Dhageyso: Senator Dhegdheer oo Madaxweyne Farmaajo u sheegay in Dadka Yaqaaniin Qori dibna loogu Celin

0

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) ayaa farriin adag u diray madaxweynaha xilkiis dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baalamaankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh.

Isagoo ka hadlayey Xaafadda Shiirkoe ayuu sheegay inaan Ninna laga aqbaleynininuu afar sano kadib kursiga iska fadhiyo.., balse laga doonayo inuu Doorasho u diyaar garoobo, isla markaana aanay hooyo iyo aabe dhalin nin xoog ku heysan karo kursiga oo dadka ku weerarri kara.

“Dadkaan wax kale ma yaqaan Qori ayey yaqaaniin.. 20 sano ayaan kasoo wacdinayeynay ee yaan loo celin Qorigii.. bilowgiisii farahaa lagu hayaa ee halaga leexdo.. taladeenu taas waaye. Haddii laga leexan waayo waa dirirraaa. meesha haddii dagaal yimaado xaaladu sidan ahaan meyso..” ayuu yiri Senator Dhegdheer.

“Waxaan meelaha ka maqlaayey Sarahaa la jebinaa.. Sarrahaan waxay ku dhisan yihin sharaf iyo Gobanimo ee kuma dhisna waa ku gumeysanaa, haddii kale Sara-haan kaa duminaa… Yaan lagu khaldamin hadalladaas raqiista ah.. Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaan u sheegayaan qof kaloo mas’uuliyadda kula qaadee ma jirto, kuwa ka hoos hadlaya ma naqaan.. Dalka Doorasho u wad, Doorasho ayaa laguugu dhiibee. Teendhadu ku noqono..” ayuu yiri Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer)

Guddoomiye Maxamed Mursal ayuu ugu baaqay inuu ka noqdo fitnada uu dalka ku furay inta goori goor tahay, wuxuuna meesha ka saaray inay sharci iyo maxkamad ka jiraan dalka haddii C/rashiid Janan oo denbiile ahaa Villa Somaliya la keenay.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleWasaarada Caafimaadka Galmudug oo Lagu Wareejiyay Qalabka Covid19 (Sawiro)
Next articleWasiirkii Ganacsiga Soomaaliya oo si Mug leh uga Hadlay Siyaasada Soomaaliya iyo Waqti Kororsiga Farmaajo.