Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa sheegay inaan la joogin xilli waqti lagu lumin karo doorashadii dhacday, islamarkaana ay sugayaan wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaale.
Hadalkiisa ayaa yimid kadib murashaxii laga adkaaday ee Raila Odinga uu diyaariyay loolan xagga sharciga ah oo uu ku doonayo inuu kaga hortago guul-darradii ka soo gaartay doorashadii dhacday 9-kii Agaust.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa Isniintii ku dhawaaqay in Ruto yahay madaxweynaha dalkaas, kadib tartan adag oo uu ku doonayay inuu ku hoggaamiyo waddanka ugu qanisan bariga Afrika, balse afar ka mid ah toddobada guddiga doorashada ayaa kasoo horjeestay natiijada uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada.

Ruto oo ah 55-jir, si toos ah ugama hadlin qorshaha Odinga uu kaga hortagayo guushiisa, balse wuxuu si dadban u yiri: “Haddii ay jiri doonaan hannaan maxkamadeed, waan ku lug yeelan doonnaa sababtoo ah waxaan u hoggaansanahay sharciga.”
Kulan gaar ah oo ka dhacay caasimadda Nairobi, ayaa saraakiisha la doortay ee isbahaysiga Odinga waxaa kulankoodu ku saabsanaa sidii ay u jaangooy lahaayeen tillaabada xigta ee ay qaadi karaan oo noqon karta dagaal sharciyeed.
Odinga kama aanu hadlin xaflada, balse ku xigeenkiisa Martha Karua, wasiirkii hore ee cadaalada ayaa tiri: “Guulsheena waa dib ayaa loo dhigay.”
Odinga ayaa markii dambe bartiisa twitterka ku soo qoray: “Waxaan ku kalsoonnahay inaan kasoo kaban doonnoo khiyaanadan, oo aan dib u soo ceshan doonno guusheenna waqtiga ku habboon.”
Odinga, oo 77 jir ah, horena u soo noqday Ra’iisal Wasaare ayaa madaxweyne u tartamay markii shanaad, wuxuuna haystaa illaa Isniinta inuu dacwad u gudbiyo Maxkamadda Sare
Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa ku gacan seyray eedeynta afarta xubnoodd oo ka tirsan guddigan oo diiday habka tirinta codadka oo ay sheegeen inuu mugdi ku jiro.
Maxkamadda sare ayaa sheegtay Arbacadii inay diyaar u tahay inay qabato codsi kasta oo ay diyaargarow ugu jirto haddii ay dhacdo.