Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goordhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Xaafadda Shiirkole ee Degmada Hodan ayaa si kulul uga hadlay xiisadda u dhexaysa Dowladda Federaalka iyo Saadaq John, waxaana ay sheegeen Madaxweyne farmaajo uu wado daan-daansi dagaal oo ka dhan ah Talihii uu xilka ka qaaday.