Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jig-jiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jig-jiga Wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxamed,Wasiiro,Xildhibaano,Saraakiil Ciidan iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Socdaalka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee Magaalada Caasimada Jig-jiga ayaa ku qotoma sidii isaga iyo Madaxweyne Mustafi ay uga wada hadli lahayeen Iskaashi ku qotoma Xaqiijinta Amniga labada Xuduud, iyo la Dagaalanka Maleeshiyaadka Argigixisada Alshabaab.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad