Madaxweyne JFS Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha XJFS Xamze Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa kulan albaabadu u xiranyihiin ku leh Madaxtooyada.
Kulanka oo billaawday maanta salaadda duhur ka dib ayaa weli socdo, waxaana looga arrinsanayaa ku dhawaaqista xukuumadda cusub, xilli barri lagu wado in uu safar kale u baxo madaxweyne Xasan.
Madaxweyne Xasan oo awoodda saaraya la dagaalanka AS, go’aanna ku gaaray in ilaa dalka laga xorreeyo aan tillaabo kale la qaadin ayaa la filayaa in uu soo saaro xukuumad tayo leh oo hirgelisa qorshaha madaxweynaha.
Ad