Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya oo isku shaandheen Lagu sameeyay

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo isku shaandheen Lagu sameeyay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta isku bedelay Wasiirada labo Wasaaradood oo ka tirsan Xukuumaddiisa.

Is bedelka ayaa ka dambeeyay dalab ka yimid Madaxweynaha muddo xileedkisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu tixgeliyay.

Duraan Axmed Faarax oo ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo wareejiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Sidoo kale Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa loo bedelay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Maxamed C/llaahi Salaad ayaa xilka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada soo hayay muddo afar sano, wuxuu xilkaas hayay illaa Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Lama oga arrimaha soo dedejiyay is bedelkan Wasiirada, hase ahaatee waxaa loo badinayaa inay ka mid tahay arrimo siyaasadeed iyo danaha xilliyada doorashada.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMaxaabiis loo haysto burcad badeednimo oo Muqdisho laga soo dejiyay {Sawiro}
Next articleDowladda Soomaaliya oo Maanta La wareegtay Daawada Caroona (Sawiro)