Home Wararka Maanta Maxaabiis loo haysto burcad badeednimo oo Muqdisho laga soo dejiyay {Sawiro}

Maxaabiis loo haysto burcad badeednimo oo Muqdisho laga soo dejiyay {Sawiro}

0

Maxaabiis loo haysto dambiyo la xiriira burcad badeed ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kadib markii laga soo wareejiyay xabsi ku yaal magaalada Garowe.

Maxaabiistan oo tiradoodu gaareysa 14 Maxaabuus ayaa ah kuwo lagu soo xukumay dalka Seycheles iyagoo muddo ku xirnaa xabsiga weyn ee magaalada Garoowe.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa Maxaabiista ayaa maanta maxaabiista ku wareejiyay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda federalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamuud Nuur Jaamac.

“Waxaan maanta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho u soo wareejiney 14 maxbuus oo in mudo ah ku xirnaa xabsiga Garoowe si eheladooda loogu soo dhoweeyo.Waxaan u mahad celinayaa Wasaaradda Cadaaladda dowlad goboleedka Puntland iyo dhamaan bahda Cadaaladda ee labada heer” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamuud.

Maamulka Puntland iyo dowladda Seychelles ayaa dhawaan ku heshiiyay in Maxaabiista ku xukuman burcad-badeednimada ee ku xiran xabsiga Garoowe loo wareejiyo Muqdisho, kuwaasi oo kasoo jeeda degaannada Galmudug.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleBeesha Caalamka oo War adag u soo diray Dowladda Soomaaliya (Akhriso)
Next articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo isku shaandheen Lagu sameeyay