Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhaxe weerar culus ku qaaday deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ,gaar ahaan xero ciidamada milatariga deegaankaasi kaga sugnaayeen.
Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa la isku adeegsadau hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalyahanada Al Shabaab weerarkooda ku bilaabeen madaafiic, iyagoona markii dambe rasaas culus weerarkooda u adeegsaday.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa dagaalka kasoo gaaray ciidamada labada dhinac ee dagaalamay, lamana oga ilaa hada khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray dagaalka culus ee xalay ka dhacay Janaale.
Taliyaha ururka 83-aad ee October Gaashaanle Sare Nuuradiin Xuseen ayaa sheegay iney iska caabiyeen kooxdii weerarka soo qaaday, isagoo tilmaamay in ay ku daba jiraan raadka kooxdii weerarka kusoo qaaday.
Waxa uu sidoo kale sheegay taliyaha in dagaalka khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen dagaalyahanada Al Shabaab ayna ka carareen rag laga dilay, waxa uuna xusay in ciidamada cashar u dhigeen kooxdii soo weerartay.
Al Shabaab dagaalyahanadooda ayaa xilliyada qaar weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ku qaada xeryaha ciidanka milatariga Soomaaliya ku leeyihiin qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana weerarada qaar labada dhinac kasoo gaara khasaaro xooggan.