Home Wararka Maanta Dhageyso Gudigii Baarayay Kiiska Dilkii Dhagajuun oo Xeer ilaalinta u gudbiyay Baaritaan...

Dhageyso Gudigii Baarayay Kiiska Dilkii Dhagajuun oo Xeer ilaalinta u gudbiyay Baaritaan dhamaystiran

0

Guddigii xukuumaddu xilgarsiinta u saartay baaritaanka dilkii guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhegajuun oo Maanta galka Baarista kiiskaas ku wareejiyey xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amnga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Warsheere oo kamid ah Ehellada Guddoomiyihii degmada Hodan ayaa sheegay in baaritaanka dhacdada lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan ay bilaabeen 28-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan, isla markaana natiijadii soo baxday ay u gudbiyeen xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka.

Waxaa uu hadalkiiss uu intaasi ku daray in dhacdadii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan aysan aheyn mid la qaadan karo, isla markaana ka maamul ahaan ay daba socon doonaan ila uu cadaalad ka helo.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubeey Jimcaale aya sheegay in muddo laba Bilood ah ay ku qaadatay baaritaanka dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan, kaas oo uu sheegay in meel wanagsan ay soo gaartay.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Hay’adaha garsoorka dalka ay Shaqadooda qabsan doonaan ayna bilabi doonaan qadiska dacwadda Kiiska uuna rajeeynayo inay Cadaalad heli doonaan Qoyska guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhegajuun.

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSheekh shariif Sheekh Axmed oo Hambalyo udiray Madaxweynaha Jabuuti
Next articleWasiirka Cadaalada Soomaaliya oo Garoowe u tegay sidii Loo sii dayn Lahaa Maxaabiis Galmudug ka Xiran (SAWIRO)