Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu maamuusayey 62 guuradii kasoo wareegtay midnimada Soomaaliya iyo madax- bannaanida Gobolada Koonfureed ee 1da Luuliyo taas oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb.
Munaasabadan oo aheyd mid balaarran, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa; Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, Xubno ka tirsan aqalka sare ee BFS, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Maamulka Iyo shacabka caasimadda, iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad