Home Wararka Maanta Tirada Golaha Wasiirada soomaaliya oo la Kordhinaayo(Xog)

Tirada Golaha Wasiirada soomaaliya oo la Kordhinaayo(Xog)

0

Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Bare oo shalay helay codka kalsoonida ee baarlamaanka Somalia ayaa bilaabay dadaalladii ugu dambeeyey ee ku aadan dhismaha xukuumaddiisa.

Xamza Cabdi Barre oo ballan qaaday inuu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo dalka samata bixin karta yaa weli wada wada-tashiyo ku aadan magacaabista golihiisa wasiirada.

Xog aan ka henay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaysa in ra’iisul wasaaraha cuusb uu qorsheynayo inuu kordhiyo golaha wasiirada Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Xamza uu doonayo in wasiirada uu gaarsiiyo illaa 30 xubnood, halka markii hore ay ahaayeen 26 wasiir.

Qorshaha wasiirka koowaad ee xukuumadda cusub ayaa ah inuu soo kordhiyo ugu yaraan illaa 4 wasaaradood oo mid ka mid ah ay tahay wasaaradda deegaanka.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirada, kadibna uu horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya, si loo meel-mariyo.

Xukuumadda cusub ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ugu horreyso wax ka qabashada ammaanka iyo xaaladaha abaareed ee haatan ka jira dalka.

 

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGudoomiyaha Golaha Shacabka oo ubax dhigay Taalada dhagaxtuur (Sawiro)
Next articleMeydad farabadan laga helay goob lagu caweeyo oo ku taalla Koonfur Afrika