Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheikh oo safarkii ugu Horeeyay ugu ambabaxaya Wadanka imaaraadka

Madaxweyne Xasan Sheikh oo safarkii ugu Horeeyay ugu ambabaxaya Wadanka imaaraadka

0

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow u ambabixi doona magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda Imaaraadka Carabta, halkaasoo maanta uga bilaaban doonta booqasho rasmi ah, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Imaaraadka Carabta.

Safarkan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee dibadda ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh u baxo, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay 15 bishii hore ee May.

Madaxweyne Xasan ayaa safraya Iyadoo wili la ansixin Ra’isul Wasaaraha cusub ee dhawaan uu Soo Magacaabay.

 

Ad