Home Wararka Caalamka Dad ku dhintay qarax ka dhacay Itoobiya

Dad ku dhintay qarax ka dhacay Itoobiya

0

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay qarax bambaano oo ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Qaraxan ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada ammaanka ay isku dayeen in ay hub ka dhigis ku sameeyaan shaqsiyaad la xiray, sida ay sheegeen booliska Itoobiya.

Qaraxan ayaa ka dhacay magaalada Dessie Isniintii. Sida laga soo xigtay ciidamada booliska ee magaalada afar qof oo ay ku sheegeen ‘burcad’ ayaa la qabtay , waxaana la geeyay saldhigga booliska ah balse waa ay diideen inay ku wareejiyaan hubkii ay wateen.

Labo ka mid ah ciidamada ammaanka iyo saddex ka mid ah maxaabiista ayaa ku dhintay qaraxa, kaasi oo ay boolisku ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen raggaas.

Olole ay mas’uuliyiintu ugu magacdareen hawl-galka sharciga ah ayaa lagu xiray in ka badan 6000 oo qof oo ku nool gobolka Axmaarada.

Waxaa lagu soo warramayaa in iska horimaadyo u dhaxeeyo ciidamada amaanka iyo kuwa kasoo horjeeda howlgalkaas in uu ka dhacay deegaano dhowr oo ka tirsan Itoobiya.

Ad
Previous articleMareykanka oo Sheegay Dhow arrin oo dowladda Xasan ay ka taageerayaan
Next articleAbiya Axmed oo Wadahadalo La Furaaya Kooxda Mayalka adag ee TPLF