Home Wararka Maanta Mareykanka oo ku hanjabay inuu kordhin doono Baacsiga ka dhanka ah shabaab

Mareykanka oo ku hanjabay inuu kordhin doono Baacsiga ka dhanka ah shabaab

0

Maraykanka ayaa kordhinaya dadaallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, sida ay sheegtay kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Siyaasadda Victoria Nuland oo la kulantay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, Iyadoo Soomaaliya ay wajaheyso abaaro ba’an iyo cunno la’aan, ayaa ku xigeenka xoghayaha Nuland, waxay ku dhawaaqday in Maraykanka uu ku yaboohay lacag loogu talagalay Soomaaliya taas oo qayb ka ah qiyaastii $105 milyan oo gargaar bani’aadamnimo oo cusub oo loogu talagalay Geeska Afrika.

Victoria Nuland ayaa yabooha gargaarkan kaga dhawaaqday kulan ay la qaadatay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ka hortagga abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Hay’adaha Cuntada iyo Beeraha iyo UNICEF.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Maraykanka taageerada ay ku bixiyaan Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee kala dhaxeeya Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga saareyso gurmadka abaaraha, maalgashiga, deyn cafiska iyo xoojinta xiriirka caalamka.

Ad
Previous articleWararkiinUgu Danbeeyey ee Weeraro ka Dhacay Degmooyinka Gobalka Banaadir
Next articleMuusa Biixi oo Ka Hadlay Xaalada Cakiran ee Soomaaliland