Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay gobolka xeebta Lamu ee dalka Kenya, kaas oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.
Qaraxyada oo ahaa miino ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay galbinayeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Ijaara iyo Sangaa’ilow.
War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa uu haleelay gaari Kooyal ah oo ay la socdeen ciidanka Booliska Kenya, isla-markaana uu ka dhashay khasaare kala duwan.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaacisay inay qaraxyadaasi mid ka mid ah ay ku dishay nin Injineer ah oo u dhashay dalka Shiinaha, sida ay hadalka u dhigtay.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kolonyada la qarxiyey ay socdaalkooda sii wateen, kadib weerarka ay la kulmeen, waxaana xaaladdu ay tahay mid deggan
Ad