Home Wararka Caalamka Madaxweyne Putin oo Ka Badbaaday Isku Day Dil oo lagu Khaarijin Lahaa

Madaxweyne Putin oo Ka Badbaaday Isku Day Dil oo lagu Khaarijin Lahaa

0

Madaxa Sirdoonka Ciidamada Ukraine ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu laba bil kahor ka badbaaday isku day dil.

Isaga oo la hadlayey wargeyska Pravda ee Ukraine ayaa Jeneraal Kyrylo Budanov waxa uu sheegay inuu jiray isku day “aan guuleysan” oo ka dhan ahaa noloshada hogagamiyaha Kremlin-ka, markii uu billowday duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

“Waxaa jiray isku day lagu khaarajin lahaa Putin. Xitaa weerar ayaa lagu qaaday, waxaa weeraray wakiilo ku sugan Caucasus, muddo aan fogeyn. Tani waa akhbaar aan la shaacin,” ayuu yiri Jeneraal Kyrylo Budanov.

Waxa uu intaas ku daray “Wuxuu ahaa isku day aan guuleysan, balse xaqiiqdii wuu dhacay … waxay aheyd laba bil kahor. Waan ku celinayaa mar kale, Putin wuxuu ka badbaaday isku day dil.”

Caucasus waa gobol aad u ballaaran. Waxa uu ka kooban yahay qeybo ka mid ah dhulka Ruushka, oo ay ku jiraan North Ossetia-Alania iyo Chechnya iyo gobollo kale oo aan Ruushka ka tirsaneyn kana mid ah dalalka Georgia iyo Azerbaijan.

Sheegashadan weli ma aysan xaqiijin NATO ama sirdoonka Mareykanka.

Haddii xogtan ay sax noqoto, tani ma noqon doonto markii ugu horeysay ee Putin uu wajaho isku day noocan ah. Waxaa la ogyahay inay jiraan ugu yaraan laba isku day dil oo uu Putin horey wajahay, mid dhacay 2008 iyo mid dhacay 2012. Waxaa sidoo kale jiri kara kuwa kale oo aan laga war-hayn.

 

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleSiyaasi caan ah oo xabsiga la dhigay ka dib dibadbaxyo ka dhacay Uganda
Next articleCaruur Farabadan oo lagu Laayay iskuul ku yaala Maraykanka