Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo Xildhibaanada Jubaland laga Soo Doortay Digniin Culus Siiyay

Axmed Madoobe oo Xildhibaanada Jubaland laga Soo Doortay Digniin Culus Siiyay

0

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo iyo shirar kala gooni ah la leh xildhibaanada deegaan doorashadooda tahay Jubbaland iyo qeybaha kale ee bulshada.

Axmed Madoobe ayaa ujeedada socdaalka uu ku joogo Muqdisho ay tahay mid la xiriirta doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo inuu dhiso cidda uu ka dhex arko danta Jubbaland marka laga reebo madaxweyne Farmaajo oo colaad gaamurtay ay kala dhaxeyso.

Sida ay fahamsan tahay Caasimada Online, Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Kismaayo iyo Ceelwaaq kala hadlay cidda ay tahay inay codkooda ugu hiiliyaan iyagoo eegaya danta dalka iyo tan Jubbaland.

Go’aanka baarlamaanka ku sharciyeeyay xildhibaanada Ceelwaaq oo madaxweyne Farmaajo looga guuleystay ayuu Axmed Madoobe u arkaa mid dhabar jab ku ah Farmaajo, maadaama maanta uusan hal xildhibaan ka haysan mudanayaasha Kismaayo iyo Ceeleaaq lagu soo doortay.

Farmaajo ayaa dhankiisa taageerayay sidii xildhibaanada Garbahaareey lagu soo doortay ay u noqon lahaayeen kuwo ka qeybgala fadhiyada baarlamaanka si uu ugu xisaabtamo cododka xildhibaanadaasi la diiday.

Ugu danbeyn, Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu kusii sugnaado Muqdisho ilaa maalinta doorashada si uu u hubsado guuldarrada madaxweyne Farmaajo, inkastoo aysan caddeyn murashaxa guuleysan doona.

 

 

Ad
Previous articleMaamulada Galmudug, Jubbland iyo Hirshabeelle oo ka hadlay Doorashooyinka Bilaabanaya
Next articleWararkii ugu Danbeeyey ee Puntland Maxaa kasoo Kordhay Khilaafkii Deni iyo Karsh(Xog)