Home Wararka Maanta Wararkii Uga Danbeeyey Ee Diiwaan Galinta iyo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Wararkii Uga Danbeeyey Ee Diiwaan Galinta iyo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambeeyey ee loogu jiro doorashada guud ee madaxweynaha 10-aad Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo loo geli doono loolan culus.

Guddiga isku dhufka ah ee labada Aqal ee loo xilsaaray ayaa weli wada diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah, taas oo socota maalinta labaad oo xiriir ah.

Shahaado siinta iyo diiwaagelinta ayaa socon doonto illaa 10-ka bishan aynu ku jiro ee May, sida uu qorshuhu yahay.

Illaa iyo hadda waxaa is diiwaan-geliyey 10 musharrax, kuwaas oo shahaadada qaatay, waxana ay u badan yihiin xubnaha mucaaradka dagaalka kula jira Villa Somalia.

Dhankiisa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa xalay si rasmi ah ugu dhowaaqay musharaxnimadiisa, isaga oo shaaciyey inay ka dalbadeen shacabka.

Farmaajo ayaa sidoo kale baaq u diray xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday inay codkooda siiyaan.

Ad
Previous articleMusharixiin Badan oo isaga haraaya Tartanka Madaxweynaha Soomaaliya(Akhriso Sababta )
Next articleKenya oo Cabsi Xoogan Soo Wajahday kadib Weerarkii Ceel Baraf ee Ciiamadda ATMIS.