Wararka naga soo gaaraya magaala xeebeeedka Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi maanta laga hor istaagay inay ku degto garoon ku yaal diyaarad sidda wefdi ka socday dowladda isutagga Imaaraadka Carabta.
Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in maleeshiyaad dadka degaanka ah oo is abaabulay ay la wareegeen Garoonka diyaaraha isla markaana ay diiddeen diyaaradda sidday wefdiga Imaaraadka oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland in ay halkaasi ka degto.
Sidoo kale Dadka deegaanku waxaa ay sheegeen in ay saaka magaalada ku arkeen ciidamo badan oo kuwa Badda Puntland ah, waxaana weli la cadeyn ujeedka wafdiga ka socday Imaaraadka u tegei lahaayeen Magaalada Garacad ee Gobolka Mudug.
Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka magaala xeebeeedka Garacad ayaa waxaa ay wadaan dadaalo lagu xalinaayo arrintan, iyada oo weli aysan ka hadlay Xukuumadda Puntland.
Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac
Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda
Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha