Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle iyo Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Warfaafinta, Aadan Isaaq ayaa si wadajir ah u cambaareeyey weerarkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo qarax loogu xiray gaarigiisa oo uu dhaawac ka soo gaaray.
Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng,Yariisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho ayaa dhankiisa Cambaareeyey dhaawaca soo gaaray Wariyaha.
Eng,Yariisow ayaa bartiisa xiriirka Bulshada ku yiri“Waxaan EEBBE uga baryayaa suxufi Ismail Sheikh Khalifa inuu caafimaad degdeg ah siiyo, waxaana cambaareynayaa falka miinada loogu xirey gaarigiisa, Aan u soo duceyno saaxiibkeen qaaliga ah Ismail oo bahda warbaahinta kaalin firfircoon ka qaata”.
Si wada jir ah ayay weerarkaasi ugu tilmaamay inuu ahaa mid waxuushnimmo ah oo ujeedka laga lahaa ay aheyd in dadka indhaha u ah Shacabka Soomaaliyeed lagu waxyeeleeyo, iyagoo Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa si dhaqsa ah in uu u bogsiiyo ALLE uga baryay.