Home Wararka Maanta Masuulkii ugu horeeyay oo lagu doortay Doorashada Ceel-waaq ka socota

Masuulkii ugu horeeyay oo lagu doortay Doorashada Ceel-waaq ka socota

0

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ku doortay Kurisgii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka.

Kursiga Hop#119 ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Abukar Xaaji oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii uu tanaasulay musharixii kale ee la tartami lahaa kaas oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.

Wasiir Cabdullaahi ayaa wuxuu saaxiib dhow la yahay Ra’isulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Goobta doorashada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf kuxigeenkiisa Mowliid Mataan & Masuuliyiin katirsan dowlad Goboleedka Jubbland.

Waxaa bilaabatay doorashada kuraasta kale ee taala Ceelwaaq, iyadoo Maanta lagu wado in lasoo gabagabeeyo doorashada 11 Kursi oo kamid ah 16-ka Kursi ee loo soo wareejiyey Ceelwaaq.

Ad
Previous articleDowlada Hindiya Oo Si Wayn uga Carootay Talaabo ay Qaaday Ilhaan Cumar
Next articleBoqor William Alexander oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Danjiraha Somaaliya uu Fadhin Doona Wadankaas