Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeyb galay shirarka sanadlaha ah ee Bankiga Adduunka iyo Hay’adda IMF oo ka socda magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
War kasoo baxay xafiiska Wasiir maaliyadda, ayaa lagu sheegay in wasiir Beyle uu kulamo miro dhal ah la qaatay Guddoomiye ku xigeenka Bankiga Adduunka ee u qaabilsan qaaradda Afrika. , Hafez Ghanem.
Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, horumarka laga gaaray barnaamijka cafinta deymaha, doorashooyinka dalka iyo mashaariicda horumarineed ee Bankiga uu ka fuliyo Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay Peter Lord oo ah xubin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Wasiir Beyle ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay xubno ka socday IMF iyo hay’adaha kale ee maaliyadda.
Ad