Home Wararka Maanta Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo iska Casilay Xil uu...

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo iska Casilay Xil uu uhaayay Xisbig Himio Qaran

0

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee dalka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhammeysirka doorashooyinka Somalia.

Aadan Madoobe ayaa shirkiisa jaraa’id ku shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Sababta ayaa waxa uu ku sheegay inuu u hoggaansamayo, sida uu qabo Dastuurka KMG ah ee ku aadan qodobkiisa la xiriira in qofka isku sharraxayo guddoonka baarlamaanka uu marka hore iska cisilo, haddii uu xil ka hayo xisbiyada siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka.

“Shirkeyga jaraa’id maanta wuxuu ku saabsan yahay inaan u caddeeyo Ummadda Soomaaliyeed sida uu qabo Dastuurka Qaranka ee KMG ah qodobkiisa 65-aad, farqaddiisa 3-aad oo na fareyso qof kasta oo u tartamaayo guddoonka Golaha Shacabka, mise guud ahaan baarlamaanka Soomaaliyeed inuu iska casilo xil kasta oo uu u hayey xisbi siyaasadeed, sidaas daraadeed waxaan u caddeynayaa Ummadda Soomaaliyeed inaan iska casilay xilkii aan ka haayey Xisbiga Himilo Qaran,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay, haddii uu ku guuleysto xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka inuu u sinnaan doono dhinacyada siyaasadda dalka, kana shaqeyn doono cadaaladda.

“Haddii Ilaahey igu guuleeyo waxaa noqon doonaa Oday Soomaaliyeed oo u siman dhammaan garabyada siyaasadeed ee dalka, cadaaladda iyo sinaana aan ku maamuli doono,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMaamulka Degmada Kaxda oo shaaca Ka Qaaday xog ku aadan dilka Abwaan Beddel
Next articlelaftgareen oo Soo gaaray Muqdisho Xili Loolan adag oo ku aadan Doorashada Soomaaliya uu Socdo(Sawiro)