Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa diiday inay taageerto musharaxnimada madaxweyne ee Soomaaliya ee madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo u baahan dhaqaale xooggan inkasta oo uu soo saartay xildhibaano ka badan 40.
Deni oo Imaaraadku kala kurmay farriin uusan fileyn oo ah inaysan taageereyn oo aysan dhaqaale u hayn ayaa hadda u weecday qorshe labaad, isaga oo xubno ku dhow oo wasiiradiisa ka tirsan u diray magaalada London ee dalka UK.
Safarka wasiirada aaday London ayaa horudhac u ah kulan uu Deni doonayo inuu halkaas ku tago, isaga oo la filayo inuu maanta kusoo laabto magaalada Garoowe kadib maalmo uu ku sugnaa Nairobi.
Deni ayaa la filayaa inuu London kula kulmo shirkad shidaal oo uu ka beecinayo ceelal shidaal oo Puntland ku yaalla, isaga warqad ogolaansho ah ka qortay ra’iisul wasaare Rooble, taasi oo dhigeysa inuu u madax banaaneeyey inuu heshiis horudhac ah la gaari karo shirkadaha shidaalka.
Haddii shirkadahaas ay aqbalaan soo-jeedinta Deni waxay bixin karaanlacag horumaris ah oo gaaraysa 5 milyan oo dollar, si uu doorashada xilka madaxweynaha ugu bixiyo.
Doorashada Soomaaliya ee sanadkan ayaa la filayaa inay noqoto tan ugu qarashka badan, ayada oo warar qaar ay sheegayaan in Farmaajo uu haysto 20 milyan oo dollar, oo ay badankeed bixineyso dowladda Qatar.
Safarka Deni ee London ayaa lagu dhex-qariyey soo dhoweyn la sheegay inay halkaas ugu sameynayaan jaaliyadda Reer Puntland, balse ujeedka ugu weyn uu yahay la-kulanka shirkadaha shidaalka.