Ra’iisul Wasaaraha Finland Sanna Marin ayaa u safreysa Sweden Arbacada halkaasoo ay kula kulmi doonto Ra’iisul Wasaaraha Magdalena Andersson. Kulanka labada dhinac ayaa dhacaya isla waqtiga Finland ay soo bandhigtay warbixinteeda siyaasadda amniga ee cusub.
Sida laga soo xigtay ilo-wareedka Expressen , Finland waxay leedahay hammi cad oo ah inay xubin ka noqoto NATO, laakiin waxay doonaysaa in Sweden ay sidaas samayso isla wakhtigaas.
Labada dal ee Sweden iyo Finland, doodda NATO ayaa ka bilaabatay ka dib markii Ruushku ku duulay Ukraine.
Toddobaadkii hore, wasiirka arrimaha dibadda ee Finland Pekka Haavisto ayaa wargeyska Iltalehti u xaqiijiyay in dowladdu ay diyaarinayso codsiga xubinnimada NATO. Ilaha ayaa markaas u sheegay wargeyska in go’aanka codsiga la gaari karo inta lagu jiro qeybta hore ee May.
Ra’iisul wasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa laba toddobaad ka hor sheegtay in aysan sinaba uga reebayn xubinnimada. NATO ayaa ka dhawaajisay in labada wadan lagu soo dhaweyn doono gacmo furan.