Home Wararka Maanta Midowga Musharixiinta oo War Kasoo Saaray Ceyrintii Faransiko Madera

Midowga Musharixiinta oo War Kasoo Saaray Ceyrintii Faransiko Madera

0

Gollaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay kusoo dhaweeyeen go’aankii Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya dalka uga eryay wakiilkii midowga Afrika u joogay Soomaaliya Francisco Madeira.

Qoraalka kasoo baxay musharaxiinta ayaa lagu sheegay in go’aanka kasoo baxay Rooble uu ahaa mid loo baahnaa lagana fiirsaday ,waxa ayna musharaxiinta sheegeen in marar badan Madeira ka dalbadeen in dhax dhaxaad noqdo balse dhagaha ka fureestay.

Ugu Dambeyn gollaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay dardar gelinta jadwalka doorashada iyo dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka.

Ad
Previous articleQoorQoor iyo Wadinu Hogaamjnaayo Oo Gaaray Baydhabo(Sawiro)
Next articleCali Xarbi “Waxaan rajeynayay in la dilo oo aan “noqdo shahiid” balse markii uu arkay in labada askari ee soo galay goobta uu xildhibaanka ku dilay aanay hubaysnayn, uu markaas go’aansaday inuu iska dhigo tooridda