Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Doorashadii Baladweyne oo Lasoo Gabgabeeyey(Sawiro)

Doorashadii Baladweyne oo Lasoo Gabgabeeyey(Sawiro)

0

Xildhibaan Cali Xaaji Aadan ayaa ku soo baxay doorashada Kursiga HOP039, iyadoo uu ahaa kursigii u dambeeyay kuraasta Beledweyne oo maanta la soo gabagabeeyo.

Doorashada kursigan waxaa ku tartamay labo Musharax waxaana Natiijada hordhaca ah ku guuleystay Cali Ali Xaaji Aadan oo helay 86 cod halka Murashaxii kale ee la tartamaysay Aamina Xaaji Bile Cali ay heshay 13 Cod.

Dhinaca kale, Kursiga HOP135 oo ay ku fadhisay Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi ayaa la filayaa in loo wareejiyo Magaalada Jowhar sida ay codsadeen eheladeeda tacsida awgeed.

Kursigan ayaa ka mid noqon doona 7 Kursi oo maalmaha soo socdo doorashadooda lagu qaban doono magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Ad
Previous articleBeesha Habargidir oo War murtiyeed Soo Saartay Beelaha Hawiyana Shir Deg deg ah isugu Yeertay
Next articleP.M Rooble oo Caawa Gudiga Doorashooyinka FEIT ka saaray Gudimiyhii Hore Gudiga iyo Xubno kale