Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dil ka dhacay Magaalada Jowhar iyo Xiisad ka Dhalatay Dilkaas oo Ka...

Dil ka dhacay Magaalada Jowhar iyo Xiisad ka Dhalatay Dilkaas oo Ka Taagan Jowhar

0

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa wiil yar oo 14 jir ahaa, kaasoo lagu dilay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle, iyadoo dilka uu dhaliyay xiisad ka taagan xarunta Sh.Dhexe.

Askari ka tiraan ciidanka dowladda ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay toogashada wiilkan yar oo lagu magacaabo jiray Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan Xuundow, kaasoo kamid ahaa ardayda wax kabarata dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Xasan Barsane.

 

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in sababta dilka ay la xiriirto dhac taleefan oo loo geysanayay marxuumka, iyadoo toogashada kadibna uu goobta isaga cararay gacan ku dhiiglaha, waxaana meydka la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Jowhar.

Ciidamo uu wato gudoomiyaha gobolka Sh.Dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) ayaa daqiiqado kadib tagay goobta dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgalo baaritaana walow aysan ku guuleysan soo qabashada danbiilaha, Axmed Faal ayaa ku goodiyay in cadaalada la horkeeni doono askariga dilkan geystay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWasiir Omaar oo Weerar afka ah Ku Qaaday Axmed Madoobe amanayna Farmaajo
Next articleMadaxweyne Laftgareen oo la Kulmay Isha Dyfan