Home Wararka Maanta Wasiir Omaar oo Weerar afka ah Ku Qaaday Axmed Madoobe amanayna Farmaajo

Wasiir Omaar oo Weerar afka ah Ku Qaaday Axmed Madoobe amanayna Farmaajo

0

Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa bixiyey wareysi uu kaga hadlay seddax dhinac oo kala ah, arrimaha Jubbaland, taageerada uu u hayo Farmaajo iyo shaqadii wasaaradda ka qabtay intii uu hayey xilka.

Ugu horeyn Wasiir Oomaar ayaa sheegay in shaqo baaxad leh uu ka soo qabtay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, taas oo ay ugu weyneed soo wareejintii maamulka hawada Soomaaliya oo Nairobi laga maamuli jiray, ilaa waayihii ay burburtay dowladii dhexe.

Sidoo kale wareysigaan oo Wasiir Oomaar uu siiyey TV-ga Universal wuxuu aad ugu dheeraaday ka hadalka arrimaha Jubbaland, isagoo sheegay in maamulkaas oo wajahayo dib u dhac weyn, wuxuuna aad u eedeeyey Madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo ka sheekeeyey sidii uu uga fashilmay qorshihii uu doonayey inuu madaxweyne kaga noqdo Jubbaland.

Oomaar oo la weydiiyey inuu ka tanaasulay damiciisii hoggaanka Jabbaland, wuxuu cadeeyey in weli damacaasi uu ku jiro, isagoo sheegay in dadaal badan ay ku bixinayaan sidii maamulkaas looga saari lahaa gacanta Axmed Madoobe.

Mar uu soo hadal qaaday shakhsiyadda Farmaajo wuxuu ku tilmaamay nin aad u wanaagsan oo hadii uu cod leeyahay uu maanta dib u dooran lahaa, isagoo cadeeyey in jaceylka iyo taageerada uu Farmaajo u hayo uu Axmed Madoobe ku kalifay.

 

 

Oomaar ayaa qiray intii Farmaajo xukunka joogay inay dalka ka dhaceen gabood fallo waaweyn, balse wuxuu ku andacooday in bini’aadamka ay wax ka qaldami karaan, laakiin inta uu Farmaajo ka bartay uu yahay nin leh shakhsiyad hoggaamiye oo ku haboon in dib loo doorto, sida uu hafdalkiisa u dhigay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleVilla Soomaaliya oo Fashilisay Qorshe uu Mudo kasoo Shaqaynaayay Rooble iyo Saaxibadiis
Next articleDil ka dhacay Magaalada Jowhar iyo Xiisad ka Dhalatay Dilkaas oo Ka Taagan Jowhar