Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed oo Qaabilay Sanbaloolshe kadib Guushiisii(Sawiro)

Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed oo Qaabilay Sanbaloolshe kadib Guushiisii(Sawiro)

0
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa  Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa qaabilay Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo maanta loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka.
 
Cali Guudlaawe iyo Dabageed ayaa ugu hambalyeeyay Xildhibaan Sanbaloolshe guusha uu maanta gaaray, waxa uuna kula dardaarmay u shaqeynta bulshada Hirshabeelle iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.
 
Madaxda maamulka Hirshabelle ayaa siyaasad ahaan waxa ay si weyn isaga soo horjeedeen siyaasiga Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ah nin aan la ganban aragtidiisa marar badana dhaliilay hoggaanka Hirshabelle iyo kan federaalka.
 
Doorashada kursigan uu kusoo baxay Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa ahaa mid furan oo loo tartamay, waxaana horey madaxda Hirshabelle loogu qasbay in kuraasta qaar ee Baledweyne taala furaan si loogu tartamo .
Ad
Previous articleDeg Deg: Sanbaloolshe kusoo Baxay Doorashadii Kasocotay Baladweyne
Next articleImisa Xildhibaan ayaa Hartay Xili Doorashada Gabagaba Marayso(Aqriso)