Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray jadwalka soo xareynta xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka 11-aad, iyadoo la qorsheeyey in ugu dambeyn 14-04-2022, la qabto xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka dalka.
Sida ku cad jadwalkaan 16-ka bishaan oo ku beegan Arbacada berrito illaa 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in lasoo uruuriyo dukumintiyada xildhibaanada alabada Aqalka ee baarlamaanka, iyadoo 24-ka ilaa 29-ka la qorsheeyey in la hubiyo dukumintiyadaas.
Inta u dhaxeysa 31-ka Maarso ilaa 4-ta bisha soo socota ee Abriil waxaa la qorsheeyey in la shaaciyo natiijada rasmiga ah ee doorashooyinkii baarlamaanka iyo in la soo xareeyo dhamaan xildhibaanada labada Aqal.
5-ta Abriil ilaa 10-ka bishaas waxaa la qorsheeyey in shahaadada xildhibaanimada la siiyo dhamaan xubnaha la doortay ee labada Aqal.
11-ka bisha Abriil waxaa loo qorsheeyey inay dhacdo wareejinta galalka macluumaadka xildhibaanada labada Aqal.
Ugu dambeyntii 14-ka Abriil xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa qabanaya xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka 11-aad.
Jadwalkaan laguma Sheegin Xiliga la dooranaayo Gudoomiyaha Baarlanaanka iyo waliba kan Madaxwaynaha Soomaaliya taas oo laga Dareemi karo Dib u dhac Xooogan.
Hoos ka eeg jadwalka