Home Wararka Maanta Axmed Madoobe iyo Raysulwasaare Rooble oo Ka Heshiiyay Sida laga Yeelaayo kuraasta...

Axmed Madoobe iyo Raysulwasaare Rooble oo Ka Heshiiyay Sida laga Yeelaayo kuraasta Garbahaareey

0

Waxaa weli taagan xiisada ka dhalatay kuraasta taala magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay isku hayaan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe iyo Kooxda Villa Somalia.

Xog aan helayno ayaa sheegaysa in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isku raacay in kuraasta taalla Garbahaarey loo wareejiyo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaas.

Wada-hadalka Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa ku wehlinayay Madaxweyne Deni, waxayna dhamaantood isla qaateen in haddii go’aankaas shaqeyn waayo dib loo dhigo doorashada kuraasta talla Garbahaarey illaa inta la dooranayo guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Go’aanada ay dhinacyadaan ka qaateen kuraasta taalla Garbahaarey ayaa waxaa la rumeysan yahay inay soo dadajisay tallaabadii uu qaaday maamulka Garbahaarey ee hoos taga Villa Somalia, kaasi oo dhawaan diiday in halkaas uu tago wafdigii uu magacaabay Rooble.

Sidoo kale waxaa go’aamadan cusub horseed un noqday kadib markii kooxda Villa Somalia iyo maamulka ay wataan ay ciidamo ku qabsadeen magaalada, taasi oo meesha ka saaraysa qabsoomida doorasho lagu kalsoonaan karo.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMilkiilaha Facebook oo Talaabo adag ka Qaaday Ruushka
Next articleSteven Weber Oo Xili Biyaha dhexdooda Gacalisadiisa uga Dalbanaayay Guur si kedis ah u Geeriyooday(Sawiro)