Home Wararka Caalamka Wasiirka Armaha Dibada Dalka Briten Oo Si kulul uga Hadashay Dagaalka Ukrain

Wasiirka Armaha Dibada Dalka Briten Oo Si kulul uga Hadashay Dagaalka Ukrain

0

 

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine wuxuu socon karaa “sanado badan” waxayna dunida u baahan tahay inay isku diyaariso in Moscow “ay isku daydo inay adeegsato hub kasii xun kuwa iminka,” waxaa sidaas maanta ka digtay wasiirka arrimaha dibedda Britain Liz Truss.

“Waxaan ka cabsi qabaa in tani ay noqon doonto masaafo dheer, tani waxay noqon kartaa sanado badan,” ayey Truss u sheegtay Sky News.

Ruushka waxay leeyihiin ciidamo xooggan, waxaana ognahay in Ukrayniyiinta ay yihiin geesiyaal, waxaa ka go’an inay u istaagaan qarannimadooda iyo sharaftooda dhuleed, waxaana ka go’an inay dagaalamaan.”

Wasiirka ayaa sheegtay in warbixino sirdoon ay muujiyeen in ciidamada Ukraine “ay sii wadaan inay iska caabiyaan soo siqitaanka Ruushka” islamarkaana xalay aysan dhicin “isbeddelo waa weyn.”

Hase yeeshee waxay ka digtay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu adeegsan karo hub kasii dhimasho badan.

 

Tani waxay noqon kartaa billowga dhammaadka Putin, waxaana ka cabsi qabaa inay ka go’an tahay inuu dagaalka u adeegsado hababka ugu xun.”

“Waxaan ka cabsi qabaa in dagaalkan uu noqon karo mid aad iyo aad u dhiig badan. Waxaan u baahannahay inaan diyaar u noqono in Ruushka ay isku dayaan inay adeegsadaan hub kasii xun,” ayey ku dartay.

Si kastaba, Putin “waa inuu ka war hayaa in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ay goor horeba eegeyso waxa ka dhacaya Ukraine, ayna jiri doonaan cawaaqibyo dhab ah oouu si shakhsi ah u wajaho,” ayey u sheegtay Sky News.

Dalalka Reer Galbeedka ayaa Sabtidii isku raacay cunaqabateeno cusub oo maaliyadeed oo ka dhan ah Ruushka sababo la xiriira duulaanka ay ku qaaday Ukraine, kuwaasi oo ay ku jirto in Bankiyo dhowr ah oo Ruushiyaan ah laga saaro nidaamka SWIFT ee isku xira Bankiyada Caalamka.

Xulufada ayaa sidoo kale isku raacay tallaabo looga hortagayo in Bankiga Dhexe ee Ruuska “uu kala wareejinta maaliyadda ee caalamiga ah u adeegado inuu ku xoojiyo lacagta ruble ee Ruushka,” sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Ukrain oo Codsi udirtay Shacabkeeda Iyo ajaanibta Ku nool Dalkeeda
Next articleGudiga Doorashooyinka heer Federal ee FIET oo Cod u Qadaaya kursigii uu kusoo Baxay Fahad yaasiin