Home Wararka Caalamka Dowlada Ukrain oo Codsi udirtay Shacabkeeda Iyo ajaanibta Ku nool Dalkeeda

Dowlada Ukrain oo Codsi udirtay Shacabkeeda Iyo ajaanibta Ku nool Dalkeeda

0

Dalka Ukraine ayaa galay marxalad dagaal oo adag, waxaana dagaal xooggan iyo duqeymo ka socdaan magaalooyin dhoor ah ay kamid yihiin Caasimadda Kyiv iyo magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn Kharkiv.

Xukuumadda Ukraine ayaa ugu baaqday dadka ajaaniibta ah ee kunool dalkeeda in ay kusoo biiraan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ruushka, waxa ayna dowladda sheegtay in ay sameeneyso guuto loogu magacdaray ”guutadda caalamiga ah”.

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in sameynta guutadan ajaaniibta ah ee gacan siinaya ciidamada Ukraine ay cadeeneyso muhiimada iyo taageerada ay dalkooda u hayaan dadka ajaaniibta ah ee kunool.

Dhinaca kale milatariga Ukraine ayaa dadka shacabka ugu baaqay in ay hubka qaataan una diyaar garoobaan dagaalka, waxaana shacacabka tababarayo iyo casharo la xariira sida loo dagaalamo loona sameeyo bambooyinka u marinayaan warbaahinta.

Saraakiisha milatariga Ukraine ayaa sidoo kale dadkooda ugu baaqay in gabi ahaan bur buriyaan calaamadaha wadooyinka magaalada Kyiv iyo magaalooyinka kale  si Ruushka ay ugu wareeraan wadooyinka waa weyn.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAfhayeenkii Xukuumada P.M Rooble oo Xildhibaan ku Guulaystay.
Next articleWasiirka Armaha Dibada Dalka Briten Oo Si kulul uga Hadashay Dagaalka Ukrain