Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Wariye ka Tirsanaa Telefishinada Soomaaliya oo Alshabaab ku Biiray(Sawiro)

Wariye ka Tirsanaa Telefishinada Soomaaliya oo Alshabaab ku Biiray(Sawiro)

0

Xarakada Al Shabaab ayaa deegaan katirsan gobolka Baay kusoo bandhigtay wariye katirsanaa Telefishinka maamulka Koonfur Galbeed , kaa oo la sheegay in uu si iskiis ah isugu dhiibay Al Shabaab.

Xuseen Iimaan Cabdullaahi oo ahaa wakiil wareedkii Telefishinka Koonfur Galbeed u joogay magaalada Diinsoor ayaa isaga oo watay kaamiradiisa shaqada isku dhiibay kooxda Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Baay.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa shaacisay in Wariye Xuseen Iimaan ka qoomameeyay in uu la shaqeenayay maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna warbaahinta Al Shabaab shaaciyeen in wariyaha is dhiibay cafis loo fidiyay.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ay isku soo dhiibeen xubno katirsanaa shaqaalaha maamulka Diinsoor iyo saraakiil ciidan, waxa ayna xuseen in ay kala firxadeen maamulkii Koonfur Galbeed ugu magacawnaa Diinsoor.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous article4 Kursi oo ka Mid Noqon Doona Golaha Shacabka oo La Shaaciyay
Next articleWasiir ka tirsanaa Xukuumada Rooble oo goordhow Xldhibaan loo Doortay