Home Wararka Maanta C.Qaadir C.llaahi lugey oo goordhow la dilay iyo Faahfaahin laga helay Dilkiisa

C.Qaadir C.llaahi lugey oo goordhow la dilay iyo Faahfaahin laga helay Dilkiisa

0

C/qaadir C/llaahi Lugey oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa caawa fiidnimadii lagu dilay degmada Dhakeynley ee magaalada Muqdisho

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa la soo sheegayaa iney geysteen dilka marxuumka, kuwaasoo markiiba goobta ka baxsaday sida la soo werinayo.

Dadka degaanka oo iskugu soo baxay goobta ayaa qaaday meydka ninkan oo si weyn looga garanayey degaanka.

Weli ma cadda sababta rasmiga ah ee loo dilay ninkan iyo cida ka dambeysa, inkastoo ay jiraan warar dadka degaanku isla dhexmarayaan oo ah inuu mar ahaan jiray gudoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Dharkeynley.

Laamaha amaanka iyo maamulka degmada Dharkeynley ayaan ka hadlin dilka caawa loo geystay wiilkan dhalinyarada ah oo qeyb ka ah dilalka iyo weerarada had iyo jeer ka dhaca Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGudiga Xalinta Khilaafaadka Oo War Cusub kasoo Saaray Kursiga HOP045 oo Dhawaan la Hakiyay
Next articleRuushka Oo Hanjabaad Culus soo Diray Xili ukrain uu iska Caabin Xoogan kala Kulmay