Home Wararka Caalamka Sacuudi Carabiya oo Markii ugu Horaysay laga Xusay aasaaskii Boqortyooada

Sacuudi Carabiya oo Markii ugu Horaysay laga Xusay aasaaskii Boqortyooada

0

Sacuudi Carabiya ayaa maanta marki ugu horreysay sameysay dabaaldag lagu xusay ninki aas-aasay boqortooyada muddo hadda laga joogo ku dhawaad 300 oo sano.

Doorashada taariikhda lagu soo beegay munaasabadda ayaa ah mid hoos u dhigeysa doorki udub-dhaxaadka ahaa ee ay wadaadadda Wahaabiyada mintidka ah ee Islaamka ku lahaayeen Sacuudiga.

Dowladda ayaa diyaarisay bandhig weyn oo lagu soo bandhigay ciyaaraha muusiga ee taariikhdan casriga ah ee Sacuudiga, bulleerro, bandhig diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn, iyo dhawaqto kala duwan, waxaana ka qeybqaatay bandhigga ilaa 3,500 oo ruux.

Munaasabadda ayaa lagu xusayay maalinti uu aas-aasihi Sacuudiga Maxamed bin Sacuud uu la wareegay talada imaaradda Diriyah, markaas oo ku beegneyd maanta oo kale, sannadki 1727. Diriyah ayaa ah magaalo dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Riyadh.

Taariikhyahannada ayaa rumeysan in maalintaasi ay 18 sano ka horreysay, billowgii dalka Sacuudiga, oo ka dhashay heshiiskii Maxamed bin Sacuud oo ahaa kaabo qabiil iyo nin wadaad ah oo sheikh ahaa oo la oran jiray Mohammed ibn Abd al-Wahhab, kaas oo loo tiriyo inuu abuuray fikirka xagjirka ah ee lagu naaneeso wahaabiyada Islaamka.

Heshiiska labadaasi aas-aase ayaa hoosta ka xarriiqayay, in boqortooyada ay lacago iyo awoodba u gacan-geliso wadaadda muxaafidka ah ee Wahaabiga, halka wadaadaddu ay dammaanad qaadeen inaysan faragelin doonin xakunka. Hase yeeshee, awooddii wadaadadda Wahaabiga ayaa meesha laga saaray kaddib marki uu talada la wareegay Maxamed Bin Salman oo ah dhaxal-sugaha boqortooyada.

Dhaxal-suge Maxamed Bin Salman ayaa laalay oo awooddii wadaadda isla markaana meesha ka saaray ciidanki booliska ee masuulka ka ahaa hirgelinta shareecada. Wuxuu waddanka u furay bandhigyada muusigga isla markaana daaha ka rogay shaleemooyin tiro badan.

Wuxuu xayiraadda ka qaaday dumarka oo aanan wadi jirin baabuurta sidoo kalana khafiifiyay muxramka haweenka ee safarka dibadda iyo qodobo kale.

Xuska maalinta aabaha aas-aasay Sacuudiga ayaa waxaa si rasmi ah loogu sharciyeeyay digreeto boqortooyo oo soo baxday bishii hore, taas oo amreysa in sannad walbaa 22-ka Febraayo loo dabaal-dago xuska aas-aasaha boqortooyada of Imam Muhammad bin Saud

“Mohammed ibn Abd al-Wahhab waa laga tir-tiray taariikhda Sacuudiga,” sidaa waxaa tiri Kristin Diwan, oo xubin sare ka ah Machadka Arab Gulf States ee magaaladan Washington.

“Tani waa wadaniyadda cusub ee Sacuudiga. Waxaa loogu dabaaldagayaa reer Aala Sacuud. Waxana ay isku dayayaan in dadka ay si toos ah ugu xiraan boqortooyada, halka hoos loo dhigayo doorka wadaadda diinta ee wax kasoo aas-aasay nidaamka,” ayay tiri Diwan.

 

Golaha Shuurada ee Sucuudiga, oo ah hay’ad la-taliye u ah dawladda, ayaa sidoo kale bishii hore ansixiyay soo jeedin wax-ka-beddelka sharciga lagu maamulayo calanka iyo heesta qaranka. Ma cadda in arrintan wax looga baddali doono muuqaalka calanka Sacuudiga oo ay dhaxda kaga jirto aas-aaska caqiidada Islaamka: oo ah “Ilaah kale ma jiro aan Ilaah ahayn; Muxammad (SCW) waa nebigii Ilaahay”.

Sacuudiga ayaa horay ugu dabaaldagi jiray Maalinta Qaranka saddexda bisha September sannad walba. Maalintaan ayaa ku beegan marki ay Al Sacuud ka guuleysteen qabaa’ilki ay dagaalka kula jireen ee gobola Xijaaz isla markaana la wareegay gacan-ku-heynta labada magaalo ee barakeysan ee Makka iyo Madina sannadki 1925-ki. Boqortooyada iyo waddankaba ayaa marki danbe la siiyay magaca Sacuudi Carabiya, sannadki 1932.

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda

Doonyo Hub u Siday Shabaab oo lagu Duqeeyay Biyaha Somaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay duqeymo dhanka cirka biyaha dalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd Abriil 16, 2025 iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeymahan ayaa

Madaxweynaha Mareykanka oo Kulan la yeeshay Raisal Wasaaraha Israel

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Talaadadan sheegay in wada hadal wax ku ool ah uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Mareykanka ayaa khadka teleefanka kula hadlay Raysal

Dowlada Israel oo Qiratay Dilka Samafalayaal lagu dilay GAZA

Milatariga Israel ayaa sheegay in “fashil xagga xirfadda ah” uu horseeday dilka 15 ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee Qasa bishii hore. Baaritaan lagu sameeyay dhacdadan oo ay

Galgaduud oo lagu dilay Taliyihii Hore ee Ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in xalay lagu dilay Alle ha u naxariistee Sade Daahir Caanood Gulaafe, taliyihii hore ee ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.
Ad
Previous articleDil aad looga naxay oo Ka dhacay Magaaalada Baraawe
Next articleNin Muslim ah oo Markii Ugu Horaysay Garsoore ka Noqoday Dalka Israa’iil