Home Wararka Maanta Ninkii Ciraaqiga ahaa ee Dhawaan Gabar Soomaaliyeed ku Dilay Maleesiya oo Maxkamad...

Ninkii Ciraaqiga ahaa ee Dhawaan Gabar Soomaaliyeed ku Dilay Maleesiya oo Maxkamad lasoo Taagay

0

Maxkamad ku taala Magaalada Kuala Lumpur ayaa saaka bilowday dhageysiga dacwadda loo haysto nin ku eedeysan inuu dilay gabar Soomaaliyeed oo Axaddii la soo dhaafay lagu dilay magaaladaasi.

Xeer Ilaalinta dalkaasi ayaa ninkaasi oo aan magaciisa Warbaahinta lala wadaagin ku eedeysay inuu dilka Dahabo Cumar u adeegsaday toorey, sida ku cad muuqaalada ay kaamirooyinka duubeen iyo weliba baaritaanadii la sameeyay.

Kusimaha Safaaradda Somaliya ee Malaysia, Amaal Maxamed Saciid (Hogaamo) oo ka qaybgashay dhageysiga maxkamadaynta ninkaasi ayaa sheegtay in kiiskiisa loo wareejiyay maxkamadda sare ee dalkaasi, taa oo 9-ka bisha May bilaabi doonto dhageysiga gar maqalka dacwadiisa.

“Waxaa haatan soo geba-gaboobay dhageysiga eedeymaha loo haysto eedeysanaha, waxaana loo ballamiyay 9-ka bisha May in maxkamadeyntiisa ay ka bilaaban doonto maxkamadda darajada sare ee wadankan.” Ayay tiri Amaal Maxamed.

Amaal Maxamed ayaa tiri “Eedeysanaha markii la keenayay waan joognay oo goobta ayaan ku sugnayn, waxaana dhageysiga dacwadda nooga qaybgalay wiil ka mid ah ehelada Dahabo Cumar.”

Waxa kaloo ay tiri “Marxuumadda waxaan aasi doonnaa abaaraha 2-da duhurnimo ee maanta, ka dib marka Salaadda Jimcaha laga soo baxo, waxaana loo samaynayaa aas ay ka soo qaybgelayaan dhammaan Soomaalida ku dhaqan dalkan iyo Safaaradda Somaliya.”

Amaal Maxamed ayaa intaasi ku dartay “Waxaa maanta farxad iyo guul ah in Dahabo aaskeedii iyo maxkamadaynta ninkaasi ay isku soo beegmaan.”

Alle ha u naxariistee Dahabo Cumar oo 20 jir ahayd, kaarka qaxootigana ka haysatay Hay’adda UNHCR ayaa noqonayso gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horeysay ee lagu dilo dalkaasi.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleSafaarada Maraykanka oo markale hanjabaad usoo Dirtay Madaxda Soomaalida
Next articleImaaraadka iyo Qatar oo Loolan Culus Ku Dhexmaraayo Kursiga uu Raadinaayo Fahad yaasiin