Home Wararka Maanta Dowlada jabuuti oo Sheegtay inay Fashilisay Afgambi lagu Soo Qaaday

Dowlada jabuuti oo Sheegtay inay Fashilisay Afgambi lagu Soo Qaaday

0

Dawladda Jabuuti ayaa ka hadashay Isku day Afgambi oo ay sheegtay in ay abaabuleen kooxo kale duwan uuna hogaaminayay Taliyihii guud ee Booliska Jabuuti, Wasiirka Miisaaniyada/Maaliyada & Xubno kale.

“Ka dib markii la xaqiijiyay Faafinga qaar ka mid ah codaad maqal ah oo ay soo saareen sirdoonka dalka, shabakadaha bulshada, baaritaan ayaa isla markiiba la bilaabay, Baadhitaanadii u horeeyay ee la sameeyay ayaa loogu soo bandhigay inay ku lug leeyihiin dhawr qof oo ay ka mid yihiin taliyihi guud ee booliska Qaranka iyo wasiirkii hore ee miisaaniyada. Dhammaan dadka si toos ah ama si dadban uga qaybqaatay qalalaasaha waxa la horgeyn doonaa Maxkamada” ayaa lagu yiri warka Dawladda.

Warka, dawladda ayaa lagu yiri “Marka la eego sida ay xaqiiqadu u cadahay, waxa Maxkamada sare ee dalka laaga furay baadhis garsoor oo loo dhiibay xeer-ilaliyaha guud”

Xukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay in ay laxiray dad badan oo qeyb ka ahaa Talaabadan, qaarna ay kujiraan gacanta Sirdoonka.

Ad
Previous articleCali yare Cali oo Quustay iyo Mahad Salaad oo Shahadada Musharaxnimo Qaatay
Next articleRuushka oo dhoolatus Milateri ka bilaabay meel u dhow xadka Norway