Home Wararka Caalamka Dowlada Ka Tirsan Yurub oo Joojisay In Dalkeeda Sigaarka Lagu Xayaysiiyo

Dowlada Ka Tirsan Yurub oo Joojisay In Dalkeeda Sigaarka Lagu Xayaysiiyo

0

Shacabka dalka Switzerland, ayaa taageerey mamnuucista xayeysiinta Tubaakada, meel kasta oo ay indhaha dhalinyaradu qaban karayaan.

Tallaabadan ayaa Switzerland ka dhigi doonta mid la jaan qaadi karta dalalka dariska la ah ee Yurub, kuwaasoo intooda badan qaatey sharciyo adag oo ku saabsan xayeysiinta tubaakada sanado kahor.

Inkastoo uu dalkani leeyahay jawi caafimaad qaba oo dhanka deegaanka ah, dadkana soo dhoweeya, ayaa haddana Switzerland waxey leedahay sharciyada ugu dabacsan marka ay timaado xakameynta Tubaakada ee qaaradda Yurub.

Muddo dheer kadib, sigaar ku cabista baararka iyo makhaayadaha, ayaa laga mamnuucey dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka.

Dukaamada waa weyn waxaa si joogta ah ula xiriiraya dumar da yar oo dhoola cadeynaya, iyagoo siinaya muunado bilaash ah, oo ah summadda sigaarka ee ugu dambeysay.

Ad
Previous articleSaameyn intee la eg Ayay Dowlada ku yeelaneysa in Xildhibaan uu noqdo C/Raxmaan Cabdi Shakuur
Next articleCali yare Cali oo Saakay ku Wajahan Galmudug si usoo Qaato Kursiga Mahad Salaad ku Fadhiyo ee HOP147

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here