Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu ku duuli karo dalka Ukrain wakhti kasta, waxaana laga yaabaa inuu sameeyo marmarsiinyo la yaab leh oo uu ku weeraro, sida uu Maraykanku sheegay Axada maanta, isagoo dib u xaqiijiyey ballanqaad uu ku difaacayo Ukraine oo ka mid ah dhulka NATO.
Ciidanka Ruushka oo gaaraya 100,000 kun oo askari ayaa ku sugan meel u dhow Ukraine, kuwaas oo aan ka tirsanayn isbahaysiga millatariga ee Atlantic-ga, iyo Washington.
Moscow ayaa beenisay eedeymaha uga imaanaya Dhanka Mareyanka iyo Reer Galbeedka kale ee ku aadan Xiisada Ukraine,
Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz, ayaa safar ku tagaya Kyiv isniinta iyo Moscow si uu wadahadal ula yeesho madaxweyne Vladimir Putin Talaadada, ayaa ku baaqay in Ruushku uu sii xumeynin xiisada wuxuuna ka digay cunaqabatayn haddii Moscow ay soo weerarto Ukraine.
Sarkaal Jarmal ah ayaa sheegay in Berlin aysan filaynin ” natiijooyin la taaban karo ” laakiin waxa uu intaasi ku daray in diblumaasiyadu muhiim tahay
Magaalada Washington, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Joe Biden Jake Sullivan wuxuu sheegay in duullaanku uu bilaaban karo “maalin kasta iyo waqti walbo”.
Xiisada ayaa laga dareemayaa wadamada Caalamka gaar ahaan Dalalka u dhow Ruushka sida Sweden iyo kuwa kale.