Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Deg deg Cali Guudlaawe oo Ka Degay Garoonka Diyaardaha Baladweyne

Deg deg Cali Guudlaawe oo Ka Degay Garoonka Diyaardaha Baladweyne

0

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in madaafiic iyo rasaas kale lagu weeraray garoonka diyaaradaha Ugaas Khliif ee kuyaala magaalada Baladweyne.

Kooxaha kacdoonka ee kasoo horjeeda Madaxweynaha Hirshabelle ayaa la sheegay in madaafiic iyo rasaas kale ku rideen garoonka diyaaradaha Ugaas Kahliif halkaas oo goordhaw gaaro Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Lama oga in wax khasaaro ah ka dhasheen madaafiicda lagu weeraray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, waxaana wali xiisad iyo xaalad kacsanaan ah ka jirta qeybo kamid ah magaalada Baladweyne.

Ciidamada Gorgor iyo kuwa booliiska ee Haramcad ayaa xiray inta badan wadooyinka magaalada Baladweyne, waxaana maanta gabi ahaan xiran ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqyadii kale ee magaalada ka jiray.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaana goordhaw gaaray magaalada Baladweyne, waxaana garoonka ku sugan oo kusoo dhyaweeyay masuuliyiin iyo dad kale oo halkaasi loo geeyay soo dhaweynta Cali Guudlaawe.

Ad
Previous articleDeg deg Madaafiic lagu Garaacay Garoonka Magaalada Baladweyne
Next articleCali Guudlaawe oo Ka Hadaly imaanshihiisa Baladweyne