Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Deg deg Madaafiic lagu Garaacay Garoonka Magaalada Baladweyne

Deg deg Madaafiic lagu Garaacay Garoonka Magaalada Baladweyne

0

Maanta waxaa Bandow ah magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana Albaab kasta taagan askar katirsan dowladda oo afka soo duubtay, iyadoo goordhow magaaladaas ay ciidanku ku dileen wiil yar oo kamid ah kooxaha kacdoonka wada.

Sidoo kale waxaa goordhow duqeyn lagu garaacay garoonka Ugaas Khilaaf ee magaalada Beladweyne oo la filayo in maanta ka dago Cali Guudlaawe oo dhowaan lagu qanciyay in magaaladaas awood ciidan lagu geeyo.

Dad badan ayaa qaba in Cali Guudlaawe uu maray dhabihii ay mareen Madaxweynayaasha Galmudug iyo K/ Galbeed oo qalalaaso iyo diidmo hogaankooda ah u adeegsaday ciidanka Qaranka, iyagoo fulinaya danaha Villa Somalia.

Ad
Previous articleGudigii Rooble u Magacaabay soo Celintii Ciidamadii Baladweyne Oo maantay Dib Ugu soo Labaanaya Muqdisho ayagoon Baladweyne Tagin
Next articleDeg deg Cali Guudlaawe oo Ka Degay Garoonka Diyaardaha Baladweyne