Home Wararka Caalamka Dowlada Marooco oo ku Dhawaaqday in Rayaan Geeriyooday kadib 5 Cishe oo...

Dowlada Marooco oo ku Dhawaaqday in Rayaan Geeriyooday kadib 5 Cishe oo Ceel Ku Dhexnoolaa

0

War goor dhow ka soo baxay dowlada Marooco oo laga sii daayey telefshinka al-jazeera ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday rayan wax yar ka dib markii laga soo saaray godka loona sii waday isbitaalka..

Wiilkan 5 sano jir ahaa ayaa ku dhacay Ceel biyood u dhow magaalada Shefshawan ee dalka Marooko ayaa geeriyooday caawa wax yar ka dib markii lagu soo badbaadiyey  howlgal samataboxin ah oo socday muddo shan cisho ah.

Waxaa la rumaysan yahay inuu ku dhacay ceel dherarkiisu lagu qiyaasay ilaa 32 miitir kaasoo la sheegay in afkiisa uu aad ciriiri u yahay, iyadoo kooxaha gurmadka ay ceelka ka feer qodeen god kale oo weyn so loo soo saaro ka dib markii xal kale la waayey.

Waxaa la soo tabiyay in wiilka yar uusan wax cunin muddo shan maalmood ah. inkastoo lagu dedaalay in la gaarsiiyo Cuno, biyo iyo Ogsijiin.

Kumannaan kun oo qof ayaa baraha bulshada kala socday muuqaallada gurmadka loo sameynayo wiilkan, iyadoo warbaahonta caalamka qaarkood ay si toos ah u tebinayeen waxaana goobta isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan.

Dhakhaatiirka ayaa sheegay in wiilka yar uu qabay dhaawacyo ay ka mid yihiin jab lafaha ah iyo tarar, waxay sheegayaan in hawsha ugu adag uguna qatarta badan ay ahayd sidii looga soo bixin lahaa godka, iyadoo laga cabsi qabay inuu dumo, taasi oo qatar weyn ku ah dhakhtarka, wiilka iyo kooxda gurmadka.

Rayan oo ay la socdaan waalidiintiisa ayaa lagula cararay gaaroi ambalaas ah oo goobta lagu sii diyaariyey iyadoo gaarsiisay dayuurad Helikobtar ah si isbitaal weyn deg deg looga gaarsiiyo hase ahaatee inta aan la gaarsiin ayuu geeriyooday.

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Ordugan iyo Xaaskiisa oo Crona Haleelay iyo Farmaajo oo Ka hadlay
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Dhigiisa Itoobiya Abiya Axmed Kulan Gaar ah la Qaatay