Doorashada Xubinnimada Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo maanta ka dhacday Addis Ababa ayaa sanadkan oo Soomaaliya iyo Jabuuti ku tartamayeen ayaa waxaa ku guuleystay dalka Jabuuti, waxaana ay Jabuuti heshay codod dhan 19 cod, halka Somalia ay heshay 13 cod. Tani ayaa ka dhigan in Jabuuti ay xajisatay xubinnimadi Golahaas sanadka 2022-2025.
Kooxda Diblomaasiyiinta iyo Ergada Soomaaliya ee Midowga Afrika ee uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sameeyay bilow wanaagsan iyo dadaalo xooggan oo ay taageero kaga raadinayeen dalalka Midowga Afrika intii uu socday Ololaha doorashada kursigan oo aad muhiim ugu ahaa Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa kulamo doceedyo la qaatay Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Afrika ee ka qeyb galayay Shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika