Home Wararka Somaliya Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo Qarka Usaaran inuu Burburo iyo Madaxweynayaal...

Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo Qarka Usaaran inuu Burburo iyo Madaxweynayaal Sheegay inay ka Baxayaan shirka

0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa qarka u saaran in lagu kala tago, iyadoo doodda ugu weyn ee shalay iyo maanta shirka hareysay uu yahay arrinta Amniga.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen uu ku hanjabay inuu shirka ka tagayo haddii amniga laga hadlayo.

Xaalada uu shirkan ku sugan yahay ayaa la mid ah midkii Shirkii April ee sanadkii hore oo ugu dambeyn lagu kala tagay, horseedna u noqday muddo kororsigii labada sano iyo isku dhacyadii Muqdisho ka dhacay ee looga soo horjeeday muddo kororsiga.

Ad
Previous articleCiidamado isku Dayay inay Hub iyo Rasaas la baxaan oo la Qabtay
Next articleDENI “Haddii aan Rooble noqoneyn Taliyaha ciidamada Qalabka sida, Shirku waa fashil”