Home Wararka Somaliya QM oo weydiisatay Ethiopia inay ogolaato kormeerayaal yimaada gobolka Tigray

QM oo weydiisatay Ethiopia inay ogolaato kormeerayaal yimaada gobolka Tigray

0

Madaxa xuquuqda aadanaha QM ayaa weydiisatay Ethiopia inay ogolaato kormeerayaal yimaada gobolka Tigray, si ay baaritaan ugu sameeyaan warbixino la xiriira dilal iyo rabshado galmo, oo laga yaabo inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal oo gobolka ka dhacayey tan iyo daba-yaaqadii 2020.

“Dhibanayaasha iyo kuwa ka bad-baaday xadgudubyadan waa inaan loo diidin xuquuqda ay u leeyihiin runta iyo cadaaladda,” ayey Michelle Bachelet ku tiri bayaan ay soo saartay, ayada oo muujisay inay ka cabsi qabto in xadgudubyada ay sii socdaan, haddii aan la helin baaritaan dibedda ah.

“Xadgudubyo darran oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah, oo ay suurta-gal tahay inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada, ayaa waxaa suurta-gal ah inay gaysteen dhinacyo kala duwan,” ayey tiri Bachelet, ayada oo xustay ciidamada Ethiopia, TPLF, Militariga Eritrea iyo ciidamada gobolka deriska ah ee Amxaarada.

Warbixinta Bachelet ayaa sheegtay in 136 kiis oo kufsi ah lasoo weriyey intii u dhaxeysay December illaa Janaayo, ayada oo ay jiraan tilmaamo muujinaya kuwa badan oo aan lasoo werin. Waxay sidoo kale xustay kiisaska dilal ula kac ah oo loo gaystay shacab.

Dowladda Abiy, maamulka Tigray, TPLF iyo sidoo kale kale mas’uuliyiinta Amxaarada iyo Eritrea ayaan laga helin jawaab deg deg oo ku aadan bayaanka QM.

Dagaal u dhaxeeya ciidamada federaalka Ethiopia ee ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo kuwa ururka xukuma gobolka ee TPLF ayaa dilay kumanaan qof, kuna qasbay boqolaal kun oo kale inay ka qaxaan guryahooda.

Ad
Previous articleKu Dhawaad 11 qof oo ku geeriyootay Diyaarad ku burburtay Turkiga
Next articleQabowga Sweden oo dib u soo laabanaya mar kale iyo Baraf la rajeynayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here